34 Kulliyaddaha farsamada iyo kulliyadaha shacabka ee Washington waxay dadka wa weyn ee waxbarta siyaan dalbaad badan. Waxay ardaydu ka caawiyaan in ay u tababaraan shaqooyin iyo mihnado, Ingiriis baraan, iyo ay u diyaariyaan kulliyad ama shahaadooyin jaamacad.
Waxay u adeegaan baahida waxbarasho ee jaaliyaddaha oo dhan
- Aqriska, qorista, higgaadinta, iyo xisaabta dadka wa weyn ee aassaasiga
- GED iyo shahaadooyinka dugsiga sare
- Tababarka shaqada iyo xirfadaha mihnooyinka
- U diyaariyo waxbarasho heer-jaamacadeed
Xaqiiqooyinka ku saabsan kulliyadaha farsamada iyo kulliyadaha jaaliyadaha
- Waxay u addeegaan boqolkiiba 60 ee dhamaan ardayda isku qorey waxbarashada sare ee shacabka gobolka. Taasoo ku dhowaan ay gaarayaan 500,000 ardayda Washington sanad kasta.
- Sanad kasta, waxay isku qoreen 37% ee fasalada ka qalan jebiya dugsiyadaha sare ee Washington.
- Qiyaastii 40% ee kuwa ka qallin-jebiya jaamacaddaha Washington waxay waxbarashadoodu ka bilaabaan mid ka mid ah kulliyadaha jaaliyada.
Baro Ingiriiska iyo inka badan
Haddaad rabto in aad barato xirfad shaqo cusub, aad rabto in aad barato Ingiriiska, ama aad rabto in aad diyaariso in aad u wareegto jaamacad, kulliyada xaafadaada barnaamij ayay kuu haysaa. /p>
Weydii fasalada ku saabsan barashada Ingiriiska sida Luqadda Labaad (ESL) kulliyada xaafaddaada ama urarada jaaliyaddaha ka jira (community-based organization (CBO)).
Waxay kaa caawini karaan in aad hesho fasal barashada Ingiriiska sida Luqadda Labaad ( ESL) ah. Sidoo kale waxay kaa caawini karaan in aad hesho adeegyo iyo waxbarasho xirfaddo aassaasi ah sida (qorista, aqrista, higgaadinta, iyo xisaabta), shahaadada dugsiga sare, diyaarinta GED iyo imtixaanaadka, xirfadaha kombiyuutarka aassaaska, imtixaanka dhalashada, iyo intaa in ka badan.