Kulliyadaha farsamada iyo kulliyadaha jaaliyada waxay soo dhoweyneysaa arday kasta ee wa weyn.
Waxbarasho albaab furan
"Albaab furan" micnaheedu wuxuu yahay in kulliyadaha ay bixiyaan fasallo iyo addeegyo ay ugu tala galeen dhamaan dadyowga qaba heerarka waxbarasho ee kala duwan. Imtixaanka qiimeynta wuxuu adiga iyo kulliyadda ka caawin doonaa in doorato fasallo aad diyaar u tahay in aad qaadato.
Kulliyad hel
Isticmaal aaladda Raadinta Kulliyadda si aad u hesho kulliyad adiga kuu dhow. Kulliyadda waxaad u raadin kartaa goobta iyo barnaamijka aad baraneyso.
Raac tallaabooyinka isqorista ee kulliyadda aad dalbaneyso.
Barnaamijyada shahaadada qaar, sida Fayodhawraha Ilkaha ama Kalkaaliyanimada (Dental Hygiene ama Nursing), waxaa la isaga baahan yahay sharuudo lagu galo ee gaar ah ama liiska sugitaanka. Sidoo kale, ardayda qaarkood - sida Running Start ama Ardayda Caalamiga ee ardayda fiisada - waxaa looga baahan yahay in ay buuxiyaan arjiyo kala duwan.
I-BEST: Ingiriiska sida Luqadda Labaad (ESL) oo ay weheliso tababar shaqo
Kulliyaddaha badankood waxay bixiyaan barnaamijyo lagu magacaabo I-BEST (Waxbarasho Aassaasi ah oo ku Mideysan Tababar Xirfaddo). Barnaamijkan wuxuu isgu geeyaa fasalada barashada af Ingiriiska sida Luqadda Labaad (ESL) oo ay weheliso tababar shaqo si ay ardaydu ay isla markaana u hormariyaan xirfadaha luqaddoodu Ingiriiska iyo xirfadaha shaqada.
Sidoo kale I-BEST waxay mideysaa Waxbarashada Aassasiga ee Dadka Waweyn (Adult Basic Education (ABE)) iyo tababar shaqo. Kulliyaddaha xaafadaada weydii barnaamijyada I-BEST.
Iska bixinta kulliyada
Kulliyadda xaafaddaada waxay ardayda u qalma ka caawin kartaa in ay helaan siyaabo la isaga bixiyo kulliyadda. Weydiiso in aad la hadasho qof ka shaqeeya addeegyada ardayda.
Barnaajyada waxaa laga yaabaa in ay noqdaan kaalmo lacageed, lacago deeq, waxbarasho shaqo, barnaamijka Dib-u-tababarida Shaqaalaha, iyo deemo. Waxaa xitaa laga yaabaa in aad u qalanto deeqo gaar ah oo ku saleysan xaaladdaada shaqo ama xaaladdaada qoys.